Madaxwaynaha Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulada [Dhageyso]

Image

KISMAYO Sept 13,2015 (GO)- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyey madashii caleema saarka Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaan "Madoobe" wuxuuna diirada ku saaray arrimaha dhismaha dawlad gobaleedyada, Siyaasada, Amaanka iyo horumarka dawladda Jubbaland ay sameysay ilaa hada.

Madaxweyne Gaas wuxuu balan qaaday in ay taageero siin doonaan Jubbaland, ayna qeyb lixaad leh ka qaadan doonto Puntland sidii dib loogu dhisi lahaa Hay’adaha dawliga ee dawladda Jubbaland.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo si weyn uga hadlay arrimaha Siyaasada ee dalka, oo uu sheegay in ay marayso meel xasaasi ah loona baahan yahay in dhinacyada Soomaalida oo dhan ay hal dhinac arimahan uga soo wada jeestaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM