Madaxwaynaha Puntland oo kusoo wajahan Garowe

Image

November 2, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo asbuucyadii lasoo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa saaka oo Axad ah kusoo wajahan magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ammaanka magaladda ayaa si weyn loo adkeeyay waxana lagu wadaa saacadaha soo socda Dr.Gaas iyo masuuliyiinta la socota inay soo gaaraan magalada iyadoona hadda la diyaarshay dadkii soo dhaweyn lahaa.

Madaxwayne Gaas ayaa kasoo qayb galay shirar ka dhacay London iyo Dubai kuwaasoo looga hadlayay Maalgashiga Africa iyo la-dalanaka Burcad badeeda.

Shalay galinkii danbe ayuu soo gaaray Gaas magaladda Addis ababa halkaasoo uu kulan kula qaatay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Waxa uu sheegay Gaas intii uu ku sugnaa London inuu wax badan qabtay mudadii uu xafiiska joogay ayna ka go'an tahay sidii Puntland meel wanaagsan loo gaarsiin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM