Madaxwayne Deni oo booqdey dhaawacyada weerarkii la fashiliyay ee ISIL

Image
Madaxwaynaha ayaa boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamada Difaaca Puntland ee ku dhaawacmay saaka iyagoo cashar lama illaawaan ah u dhigaya Argagixisada Daacish.

Deni ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Difaaca Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaadheen.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamdeena qalabka sida ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Puntland Counter-Terrorism
Operations) guusha la mahadiyey iyo jabka lama ilaawaanka ah ee ay saaka u geysteen Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Ciidanka Dowladda Puntland waxay ku astaysan yihiin in ay dabar gooyaan argagixisada, iyagoo ku jebiya duulaan kasta oo Argagixiso kusoo qaado deegannada Puntland.

Shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan waxaan ku boorinayaa inay garab istaagaan Ciidankooda garabna ku siiyaann sidii loo soo afjari lahaa Kooxaha caadaystay daadinta dhiigeena iyo burburinta maalkeenaba, si gaar ah waxaan fariin u dirayaa bulshadeena degan goobaha hawl galadu ka socdaan inay kaalintooda adkeeyaan, sidoo kalena ay xoojiyaan sidii ay xogaha ku saabsan dhagar qabayaasha ula wadaagi lahaayeen Ciidanka”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM