​Madaxwayne Deni oo fariin culus u diray beesha caalamka [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Sabtida maanta ah kormeeray xerada 54aad ee ciidamada daraawiishta Dowladda Puntland.

Xerada 54aad oo ah taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland ayaa ku taalla duleedka Garowe, halkaasi oo uu madaxwaynuhu khudbad dhiiragelin ah ugu jeediyay askarta ku sugan.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, madaxwayne Deni ayaa nasiib daro wayn ku tilmaamay inay yar tahay qoondada Puntland kasoo gaarto taageerada caalamka ku bixiyo "la dagaalanka argagaxisada".

"Meesha laga rabo in Soomaaliya laga taageero waa amniga..cadowgii oo ajaaniib leh haatan badaha ayuu kasoo talaabayaa iyo cadow degaano kale ka imaanaya oo raba in ay wiiqaan midnimada Puntland..Arrimahaasi waxay u baahan tahay difaac adag…difaaca dadkii waa diyaar..xitaa hadii dowladdu dhaqaalo u hesho hubka qaybtiisa lama iibsan karo," ayuu yiri Deni.

Saaxiibada Soomaaliya ayuu madaxwaynuhu cod dheer ugu baaqay in ay u dhego nug-laadaan dalabyada uga imaanaya maamulka ee ku aadan wax ka qabashada arrimahaasi uu ka cabanayo.

"Waxaan aad uga xumahay in Hubka Soomaaliya loogu deeqo uusan Puntland soo gaarin, iyadoo tahay meesha kaliya ee laga ilaaliyo qaranimada Soomaaliya, hor istaagtana cid kasta oo uu damac kaga jiro," ayuu hadalkiisa raaciyay Deni

Mudane Deni oo sii hadlaya ayaa wacad ku maray in mudada uu xafiiska joogo uu ka shaqeyn doono sidii uu dib ugu raadin lahaa xuquuqda ay leeyihiin shacabka reer Puntland iyo ciidamadeeda.

"Waxaan ku talagaleynaa in hadii dadka daneeya arrimaha Soomaaliya ay dhegaha ka fureystaan in waxa ay ugu talagaleen reer Puntland ay soo gaarto, dadka reer Puntland faraha ma laaban doonaan, ee way isku tashan doonaan, hadii ALLE idmo," ayuu Madaxweynaha raaciyay hadalkiisa.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo balanqaaday ilaalinta sharafta, danaha Puntland, mushaarsiinta ciidamada, dib-u-habeynta xoogaga dowladda ayaa dhinacooda ku booriyay in ay qaataan kaalintood.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM