Madaxwayne Deni oo iclaamiyay in Puntland ay sameyneyso lacag u gaar ah

Image
Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in ay si buuxda isugu diyaarisay howlgalka Argagixisada looga sifeynayo gobolka Bari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in Puntland ay sameyneyso lacag u gaar ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto," ayuu yiri.

Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in ay si buuxda isugu diyaarisay howlgalka Argagixisada looga sifeynayo gobolka Bari.

Dhanka kale, Dowladda Puntland fursadii ugu danbeysay ee cafis ayeey u fidisay cidkasta oo kasoo laabata Argagixisada.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM