Madaxwayne Deni oo gaarey magaaladda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Dani ayaa gaarey magaalada Boosaaso iyadoo wararka sheegayaan in amaanka garoonka diyaardaha xarunta gobolka Barri aad loo adkeeyey.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii habeenkii xalay Al-Shabaab weerar ay ku qaadey xabsiga dhexe ee xarunta ganacsiga Puntland kala baxdey dhamaan maxaabiistii ku xirneyd.

Lama oga talaabooyinka uu qaadi doono Madaxweynaha Puntland maadaama hay’adaha amniga ay ku guuldaraysteen iney fashiliyaan weerarkaan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa si kooban waxaa looga hadlay socdaalka Deni ee Boosaaso.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Safarkiisa oo ah mid shaqo wuxuu la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari".

Kooxaha argagixisada ah ee saldhigyada ku leh buuraha ku dhow Boosaaso ayaa dhowr jeer oo hore soo weerarey Xabsigaan.

Balse talaabadaan ayaa ka dhigeysa midii ugu horeysay oo ay ku guuleysato kooxdaan iney maxaabiis kala baxaan jeelkan oo ah midka ugu badan ee lagu xiro maxaabiista dambiyada culus lagu xukumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM