Madaxwayne Deni oo gaarey magaaladda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Dani ayaa gaarey magaalada Boosaaso iyadoo wararka sheegayaan in amaanka garoonka diyaardaha xarunta gobolka Barri aad loo adkeeyey.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii habeenkii xalay Al-Shabaab weerar ay ku qaadey xabsiga dhexe ee xarunta ganacsiga Puntland kala baxdey dhamaan maxaabiistii ku xirneyd.

Lama oga talaabooyinka uu qaadi doono Madaxweynaha Puntland maadaama hay’adaha amniga ay ku guuldaraysteen iney fashiliyaan weerarkaan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa si kooban waxaa looga hadlay socdaalka Deni ee Boosaaso.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Safarkiisa oo ah mid shaqo wuxuu la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari".

Kooxaha argagixisada ah ee saldhigyada ku leh buuraha ku dhow Boosaaso ayaa dhowr jeer oo hore soo weerarey Xabsigaan.

Balse talaabadaan ayaa ka dhigeysa midii ugu horeysay oo ay ku guuleysato kooxdaan iney maxaabiis kala baxaan jeelkan oo ah midka ugu badan ee lagu xiro maxaabiista dambiyada culus lagu xukumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM