Deni oo si toos ah howlgab uga dhigay guddiga TPEC

Image
Madaxwaynaha Puntland ayaa magacaabay guddi uu ku sheegay "in ay dardargelinayaan" doorashada lagu muransan yahay.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi heer wasiiro ah wuxuu u magacaabay wax uu ku sheegay "dardargelinta" doorashooyinka tooska ah ee lagu muransan yahay.

Talaabadan ayaa ka dhigan in uu Deni u dhaqaaqay ka maarmida guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo waajibaadkiisu yahay qabashadda doorashooyinka.

Xubnaha guddiga uu magacaabay Deni ayaa waxay kamid yihiin urur siyaasadeedka KAAH oo ah kan dowladda ku ololayneyso taasoo noqon kara caddeyn kale oo ah in aysan dhici karn doorasho daahfuran.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Garoowe: 13 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta Hannaanka doorshooyinka Dimuqraadiga ah ee Puntland

Markuu tixgeliyey: Go’aankii ka soo baxaya Shirkii 17-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Waxaa Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Dimuqaariga ah ee Puntland loo magacaabay Xunaha hoos ku xusan: -

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Guddoomiyeye.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.

Wasiirka Maaliyadda Xubin.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Xubin.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xubin.

Wasiirka Warfaafinta Xubin

Wasiirka Haweenka Xubin

Wasiirka Waxbarashadda Xubin

Wasiirka Caafimaadka Xubin

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xubin

Madaxtooyada Xoghayn

Guddigaan waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay Dowladda.


Daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ayaa cod dheer waxay kaga digeen in ay madaxwayne Deni uu qaab aan heshiis ku ahayn ku hirgeliyo geedi-socodkan taasoo ay xuseen in ay keeni karto xasilooni darro siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM