Madaxwayne Gaas oo ka hadlay khilaafka masuuliyiinta DFS

Image

November 2, 2014 (GO)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe ayaa wax laga waydiiyay khilaafka masuuliyiinta Dowladda Federaalka u dhaxeeya.

Dr.Gaas ayaa sheegay inuusan wax badan kala socon khilaafka ka aloosan Villa Somalia hase yeeshee hadduu jiro uu saameyn ku yeelan doono Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

''Waxa la isku hayo waxay ku salaysan yihiin ma hayo, laakiin waxaan rajaynayaa khilaaf dan ma ahan, Soomaaliyana wanaag uma ahan, Annaga iyo wada shaqaynta DFS khilaaf halkaasi hadduu ka jiro dan uma ahan, marka waxaan jeclaan lahaa khilaafka in lagu dhameeyo Dastuurka'' Gaas ayaa sidaasi sheegay shir jaraa'id uu madaxtooyadda ku qabtay.

Khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha iyo Ra'iisul Wasaraha Somalia ayaa sii xoogaystay ka dib markii asbuucii hore uu Cabdiwali Shiikh Axmed isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollihiisa wasiiradda.

Arrimaha kale uu Gaas shirka jaraa'id kaga hadlay waxaa ugu muhiim sanaa shirarkii ka dhacay London iyo Dubai oo looga hadlayay maalgashiga Africa iyo la-dagalanka burcadbeeda.

Soo dhawaynta wafdiga madaxwaynaha Puntland waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan gollayaasha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM