Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay lataliyeyaal

Image
Labadan mas'uul ayaa kala qaabilsan Arrimaha Dib u Heshiisiinta iyo Xiriirka Dadweynaha.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne ku magacaabay labo kamid ah La-taliyayaashii gaarka ah, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda.

Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) ayaa, sidda ku cad wareegtadda, waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

Sida laga soo xigtey digreetadda oo lagu faafiyay baraha bulshadda, Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) ayaa loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Garoowe: 24 March 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 004 ee 24-ka Maarso 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliyayaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad 

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida La-taliyayaasha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey: 

1. Waxaa Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

2. Waxaa Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM