Madaxwayne Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Image
Illo ku dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa GO u xaqiijiyay in socdaalkan uu salka ku hayo la dagaalanka argagixisada.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, oo ay horay ugu sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

Saraakiil Madaxtooyada Puntland katirsan ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu Boosaaso ka hagi doono duulaan ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad ee gobolada Bari iyo Sanaag.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in Puntland ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo uu sheegay inay kujiraan ajaaniib ku soo duuley waxyeelada ammaanka Puntland iyo suurad xumaynta horumarka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM