Madaxwaynihii hore ee PL oo hambalyo u diray shacabka

Image

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo hada ku sugan magalada Melbourne ee Wadana Australia ayaa umadda reer Puntland ugu hambalyeeyay 16 guurada dhalashada Puntland.

Dr.Farole oo fariintan hambalyadda ah shacabka u marsiiya Radio Garowe ayaa ILLAAHAY uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kale si kasii wanagsan uu dadka iyo dalka Puntland ku gaarsiiyo isla markasna hormarka usii balaariyo.

Waxa uu sheegay Puntland inay hormuud u tahay nidaamka federaaliga ah ee dalka isla markasa loo baahan yahay in laga tigtoonaado cid kasta oo wax u dhimi karta midnimadda iyo wadajirka gobaladda Puntland.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa shacabka usoo jeediyay inay nabadgalyadooda adkaystaan wax kasta oo ka hor imaan karayana Midnimada laga hortago isla markasna la iska ilaaliyo cadowga.

''Dad badan baa jira oo wax walaaqaya sidaasna kursiga laguma helo,qof meel uu fadhiyay adna aad timaadid xoolana ka heli maysid meesha waxaa imaanaysa in la is noco ha la iska ilaaliyo intaasi'' Farole ayaa yiri sidaasi.

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa ka mid ahaa dadkii wax kasoo dhisay dowladda federaaliga ah ee Somalia balse nasiib daro markii madaxda Villa Somalia ay damac qaawacan uu ka galay badalitaanka dastuurka KGM ah ee dalka uu xiriirka u jaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM