Madaxweynah cusub ee Puntland oo soo saarey Wareegtadii 2aad [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah soo saarey digreeto uu ku joojinayo Canshuur dhaafka iyo Canshuur dhimistii loo sameeyay hay'adaha dowladda, hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Amarkan ayaa la siiyay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo la ogeysiiyay Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland, Gudoomiyaha Hanti Dhowraha Guud, Wasaaradaha dowladda, Hay'adaha gaarka loo leeyahay iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Waa digreetadii labaad oo Madaxweynaha uu soo saaro, isagoo maalintii la doortay uu soo saarey amar lagu joojiyay in lacag lagala baxo akoonada dowladda ku leedahaya Bangiga Dhexe iyo Xawaaladaha, si looga hortago musuq-maasuq.

Doorashadii Deni, oo u dhacday si nabad iyo dimuqraadi ah, ayaa laga soo dhaweeyay dalka iyo dibadda, iyadoo Beesha Caalamka iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay usoo direen hambalyo iyo bogaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM