Madaxweynaha dowlada Puntland oo u baqoolay magaalada Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Jimcada maanta ah wuxuu u baqoolay caasimada Kenya ee Nairobi, sidda uu war qoraal ah ku shaaciyey xafiiskiisa warfaafinta.

Deni oo safarkiisa ka warbixiyey ayaa muddo bil ah wuxuu magaala madaxda Muqdisho u joogay wadahadalka arrimaha doorashooyinka soo aadan.

Xilli uu tibaaxay in uu "guul" kusoo dhamaadey wadaxaajoodka, sababta isbedel kooban loogu sameeyay doorashadii 2016 ayuu ku tibaaxay "daruufa jira iyo waqtiga yar ee harsan".

Socdaalka Deni ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii dowlada iyo maamulada ay soo bandhigeen tafaasiil ka harsaneyd heshiiska doorashada.

Heshiiska siyaasadeed ee madaxda dowlada iyo maamulada ku gaareen Villa Soomaaliya ayaa xeerinaya in coddeynta soo aadan ay noqoto degaan doorasho.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamayaa in ergada wax soo xuleysa ay tiradoodu noqoneyso 101 ayna doorashada ka qabsoomeyso laba magaalo maamulkiiba.

Soo xulista Xildhibaanada labada Aqal ayaa loo muddeeyay in ay socoto 15 October illaa 15 November, halka guddoonka xeer-dejinta iyo madaxweynaha loo coddeyn doono 8 Janaayo illaa 8 Febraayo, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM