Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somlia oo Garowe soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 28, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale dadweyne tira badan oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Somalia ayaa taagnaa hareeraha jidka laamiga ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Wafdiga waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada halkaaso la filayo in labada madaxweyne si wadajir ah saxaafadda ugula hadlaan.

Muddada Xasan Sheekh Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan madaxda Puntland iyo federaalku, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya inay ugu muhiimsan yihiin Higisiga 2016-ka iyo maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe.

Dhanka kale, waxaa magaalada Garowe ka dhici doona wejiga labaad ee shirka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Madaxweyneyaasha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan ayaa iyagana la filayaa in saacadaha soo socda ay Garowe soo gaaraan.

Bishan April horraanteedi waxan sidan oo kale Garowe booqasho ugu yimid wafdi uu hoggaaminayey Ra'isal Wasaaraha Dowaldda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii  labaad ee uu ku yimaado Garowe laga soo bilaabo markii la doortey. Faah faahin dheeri ah iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM