Madaxweynaha dowladda Puntland oo dhagax dhigay mashaariic

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Xero-Jaalle ee degmada Galdogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.

Weftiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan xukuumada, la'taliyayaasha Madaxwaynaha, Saraakil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM