Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib ugu noqdey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa maamulka Jubaland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu dib ugu noqdey Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Deni oo kamid ahaa marti sharaftii ka qeybgashay caleema saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa mudadii uu Kismaayo ku sugnaa la kulmay dhinacyo kala duwan oo ku booriyey doorkooda hormarka.

Munaasabadda oo 12-kii October ka qabsoontay magaala madaxda gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa si lamid kasoo muuqdey siyaasiyiin caan ah, wafdi ka socday Kenya iyo mas’uuliyiin uu ku jiro Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator Faroole, mid kamid ah aas-aaseyaashii Puntland haatana kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa iyo wafdi uu horkacyo waxa ay ka dageen Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay howlo shaqo u jooga Boosaaso, halkaas oo lagu waddo in ay bisha koowaad ee sanadka 2020-ka ay ka qabsoonto Carwo lagu soo bandhigi doono wax-qabadka shirkadaha wadaniga ah.

Madashaas ayaa daba socota Shirka Maalgashiga Puntland ee caasimadda Garowe ka qabsoomay bishii hore, kaas oo max-suulka kasoo baxay uu noqday malaayiin Doollar oo ay shirkado kala duwan maalgelin ku sameyn doonan.

Barnaamijyadda kale ee ka socda magaaladda dekadda leh ayaa waxaa qayb ka ah dardargelinta qorsheyaasha xukuumadda Deni oo ay ugu horeyso amniga, tayeynta ciidamadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM