​Madaxweynaha Gaas oo la kulmay wafdi kasocda Bangiga Adduunka

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18-June-2016 xafiiskiisa Garowe, ku qaabilay wafti ka socdey xarunta Bangiga adduunka ee Washington oo uu hoggaaminayo Provel Kumar.

Ujeedka socdaalka waftigaan ayaa salka ku hayey horumarinta siyaasadda dhaqaalaha  iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale waxa ay kulmo la qaateen wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta, Rugta ganacsiga Puntland iyo hay’adda maal-gashiga Puntland ee PIDA, waxaana ay kala hadleen sidii loo sii  horumarin lahaa dhaqaalaha Puntland ee kobcaya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku ammaanay hannaanka siyaasadda horumarinta dhaqaalaha  ee uu wado Bangiga Adduunka, wuxuna sheegay in arrintaasi sahlayso sidii hay'ado badan ugu soo dhiirran lahaayeen Puntland.

Gaas, ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay sidii ay u xoojin lahayd xiriirka iyo wadashaqaynta kala dhaxaysa Banigag Adduunka, isagoo ku booriyay inay dhankooda xiriirka kor u qaadaan.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Bangiga Addunka uu Puntland ka taageerayo dhinaca tayaynta shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM