Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay hogaanka dhaqanka SSC-Khaatumo

Image
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa martigeliyay kulanka oo looga hadlay xaaladaha guud ee dalka.

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Hogaanka dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanada SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa martigeliyay kulanka oo looga hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Hirshabeelle ku wehliyay la taliyaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Warmurtiyeed ay soo saartay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay hogaanka guud ee dhaqanka Khaatumo iyo siyaasiyiinta soo dhoweynta diiran oo ay u sameeyeen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda soo gaartay magaalada Garowe si ay uga qeyb gesho Caleema Saarka Madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM