Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay hogaanka dhaqanka SSC-Khaatumo

Image
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa martigeliyay kulanka oo looga hadlay xaaladaha guud ee dalka.

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Hogaanka dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanada SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa martigeliyay kulanka oo looga hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Hirshabeelle ku wehliyay la taliyaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Warmurtiyeed ay soo saartay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay hogaanka guud ee dhaqanka Khaatumo iyo siyaasiyiinta soo dhoweynta diiran oo ay u sameeyeen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda soo gaartay magaalada Garowe si ay uga qeyb gesho Caleema Saarka Madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM