Madaxweynaha Jubaland oo kusoo wajahan magaalada Garowe

Image

July 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdiga Jubaland ayaa muddada ay Garowe ku sugan yihiin la kulmi doona madaxda ugu sarreysa Puntland, isimmada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulammadaas diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, maamulka Cadaado iyo; xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Jubaland ka qayb qaadan doono xal u helista xiisadda ka tagan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo saddex asbuuc ah isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Jubaland ayaa dhowaan shaacisay inay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Baarlammaanka Federaalku u codeeyey in baarlammaanka Jubaland yahay mid lagu soo dhisay qaab aan sharci ahayn.

Waa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkan 2015 ee Madaxweynaha Jubaland  booqasho ku yimaado Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM