Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ku wajahan Bosaso

Image

Jan 6, 2016 (GO)- Wararka wasridaha soo gaaraya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug ku soo wajahan yahay magaalada Bosaso isagoo halkaas kaga qayb galaya munaasabad lagu furayo garoonka diyaaradaha cusub ee magaladaas.

Safarka madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa waxaa ku weheliya madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe oo maanta booqasho ku yimid magaalada Cadaado halkaas oo xarun ku-meel gaar ah u ah maamulkaas.

Cabdikarim Xusen Guuled aya safarka uu ku imaanayo Puntland ayaa noqonaya ah kii ugu horeeyey uu ku yimaado magaalada Bosaso tan iyo intii loo doortey madaxweynaha maamulkaas.

Magaalada Bosaso ayaa waxaa kusoo qolqulaya wafuud ka socota Puntland, dowlada Federaalka iyo qayabha kala duwan ee Somalia kuwasoo kulmineyso munaasabad lagu furayo garoonka diyaardaha ee cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM