Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Yuusuf Bidde

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyey geerida Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari Marxuum Yuusuf Muumin Bide oo maanta degmada Qardho ku geeriyoodey.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland iyo Soomaali oo idil oo uu ka baxay .

Si gaar ah Madaxweyne Gaas wuxuu ugu tacsiyeeyey qoyskii uu kabaxay isagoona Alle uga baryey in qabriga uu u waasiciyo dambigiisana uu dhaafo.

Yuusuf Muumin oo xilkan muddo dheer soo hayey, wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga tix geliyo gobolka Bari, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii soo maray Soomaaliya iyo Puntland.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM