Madaxweynaha PL iyo wafdigiisa oo Garowe kusoo wajahan

Image

February 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta kusoo wajahan xarunta dowlada Puntland ee Garowe.

Diyaar garow xooggan oo ku aadan sidii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa ayaa magaalada Garowe ka socda, waxaana xilligan garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, madax dhaqameed iyo dadweyne boqollaal gaaraya.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadli doona madaxtooyada isagoo si kooban uga warbixin doona kulamadii uu Muqdisho kaga soo qayb galay iyo weliba natiijooyinkii kasoo baxay.

Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horreysey ee rasmi ah ee Cabdiweli Gaas Muqdisho ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey. 

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM