Madaxweynaha PL oo ka hadley maxbuus lagala baxey Maxkamada "Dhageyso"

Image

GAROWE April 26,2015 ( GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Cali Gaas oo maanta dib ugu soo noqdey magaalada Garowe ayaa ka warbixyey safarkii uu ku tagey wadanka Ethiopia isaga oo sheegey in kulamo la qaatey madaxda wadankaas.

Safarka madaxweynaha Puntland oo qaatey muddo toban cisho ayaa waxaa uu sheegey in wadankaas kaga qayb galey kulan la yiraahdo Tana Forum kaasoo lagu qabto magaalo la yiraahdo Bahar Dar sanad walba.

Mud. Cabdiweli Cali Gaas oo la hadley saxaafada kadib markii uu kasoo dagey magaalada Garowe ayaa sheegey in markii xaqiiq dhab ah laga ogaado qofkii fuliyey qarax lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNICEF loo soo bandhigi doono shacabka.

Madaxweyne Gaas ayaa ciidamada Puntland ku bogaadiyey sii wadida dagaalka adag oo ay dawaladdu kula jirto kooxda Al-shabaabka ku dhuumaaleysta Puntland waxaana uu tilmaamay in Puntland ay ka adag tahay adkaynta midnimada iyo amnigeeda.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa wax laga waydiiyey dhacdadii ciidamada madaxtooyada Maxkamada Garowe kala baxeen eedeysane isaga oo dacwadiisa la qaadayo.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegey in fal la aqabali karo aheyn dadkii ka dambeeyeyna talaabo laga qaadi doono.

Maxakamda darajada Koowaad ayaa tan iyo asbuucii lasoo dhaafey xireyd kadib markii ciidamo la sheegey iney ka tirsanaayeen madaxtooyada Puntland kala baxeen eedeysane halkaas dacwadiisa lagu qaadayey.

HALKAN KA DHAGEY WARSAXAFDEEDKA MADAXWEYNE GAAS

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM