Madaxweynaha PL oo tacsi u direy xildhibaanka la diley [Dhageyso]

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa tacsi u direy shacabka Puntland gaar ahaan ehelada AHN Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo lagu diley galabnimada xalay maqribkii magaalada Galkacayo.

Mud. Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan wadanka Talyaniga ayaa sheegey in xildhibaanka Siciid Nuur dirir ahaa nin qaali ah islamarkaana shacabka Puntland ka codsadey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-Shabaab.

Gaas ayaa intaas raaciyey in sharciga la hor keeni doono kuwii ka dambeeyey dilka xildhibaanka.

Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) oo kamid ahaa mudanayaasha siyaasad ahaan aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas ayaa waxaa toogtey dabley hubeysan salaadii maqribka kaddib, isagoo kasoo  baxaya  masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa tacshiirad ku furey xildhibaanka kadibna labo bumbo oo nooca gacanta ah tuurey. 

Al-shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey weerarro la beegsaneysey saraakiisha dowadda iyo ciidamada amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM