​Madaxweynaha Puntland kasoo laabtay safarkiisii Imaaraadka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8 june 2016, soo gaaray magalada Bosaso iyagoo kasoo kicitimay magalada Abu dabi Dalka Imaaraadka Carabta

Gaas oo ku maqnaa safar qaatay  4 maalmood, ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta gobolka Bari isagoo ka warbixiyay socdaalkiisa iyo waxyaabihii uu ku saabsanaa.

"Waxaanu safar shaqo ku tegay Magaalada Abu-dhabi halkaas oo aanu kula kulanay madaxda dalkaasi iyo shirkado shisheeye oo danaynaya inay maalgashadaan Puntland,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Wuxuu sidoo kale ka waramay kulamo uu la qaatay madaxda waddankaasi iyo waxyaabihii kasoo baxay isagoo yiri "kulamadii aan la yeelanay madaxdii aan la kulananay waxay ahaayeen kuwo ku saabsanaa adkaynta amniga, xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo UAE iyo kobcinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland".

Safarkan ayaa qayb ka noqonaya kuwoo muddooyinkii dambe madaxweyne Gaas u aaday dalka dibadiisa, wuxuuna soo laabashadiisa Bosaso kusoo aadayaa xilli 15 bishan la filayo inuu furmo Kalfadhigii Dastuuriga ah ee Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM