Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Image

Garoowe – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad u muujiyay in maamulka Puntland uusan marnaba ogolaan doonin in la taabto xuduudihii iyo dhulka la calaamadeeyay markii la dhisay Puntland sanadkii 1998.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu soo xirayay tababar ciidan oo loo qabtay dhalinyaro cusub oo ku biiraya Booliska Puntland, kuwaasoo u diyaarsan difaaca shacabka iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo ee Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobollada Sool, Sanaag, Buuhoodle, Nugaal, Bari iyo Mudug ay yihiin xuduudaha rasmiga ah ee Puntland, isla markaana aysan aqbalayn wax maamul cusub ah oo dusha looga keenay dhulkii ay reer Puntland si dastuur ah u maamulayeen.

Wuxuu sheegay in dhismaha maamulka la yiraahdo “Waqooyi Bari” ee xaruntiisu tahay Laascaanood uu yahay mid muran badan dhaliyay, ayna tahay tallaabo halis galin karta midnimada iyo xasilloonida dalka.

“Ma jirto sabab sharci ah oo lagu banayn karo in lagu xadgudbo xaqa shacabka degan gobolladaas. Puntland waxay sii wadi doontaa dhismaha hay’adaha amniga iyo garsoorka si loo ilaaliyo kala dambeynta,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed, iyadoo Puntland si cad u sheegtay in dadweynaha deggan deegaannadaasi yihiin dadkii qaybta ka ahaa aas-aaska Puntland, ayna haystaan xuquuq buuxda oo dastuurku siinayo.

Sidoo kale, Puntland waxay si toos ah farta ugu fiiqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay in ay taageero ka bixinayso qorshe lagu kala dilayo midnimada dadka Puntland, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo deegaannada bariga.

“Qorshayaashan waxay dhaawacayaan wadajirka qaranka. Waxaa la isku dayayaa in lagu abuuro khilaaf aan laga fiirsan,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in aysan aqoonsanayn wax maamul ah oo laga sameeyay dhul ay sheeganayso in dastuuriyan iyo taariikhiyan ay iyadu leedahay, waxayna ku celcelisay inay difaacayso dhulkeeda si kasta oo ay ahaataba xaaladda siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM