Madaxweynaha Puntland muxuu kala kulmey degaanka Galgala?

Image
Image
Image

Bosaso, Dec 2,2014 [GO]- Madaxweyne  Cabdiweli Cali Gaas oo safar aan horey loo shaacin ku tagey maanta saldhiga ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Galgala halkasoo dhowaan laga xoreeyey kooxda Al-shabaab ayaa kulamo la qaatey saraakiil kala duwan.

Safarkaan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa ku wheliyey saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo maamulka gobolka barri.

Waftiga Madaxweyne Cali Gaas markii ay tageen degaanka Galgala waxa ay  u kuurgaleen xaalada ciidamada saldhigyadaas ku sugan iyagoo wareysiyo ka dhageystey saraakiisha horjoogta xoogagaas.

Wararka Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa markii ay halkaas gaareen la kulmeen rasaas xoogan oo laga soo tuurey qoriga loo yaqaan Hobiyaha oo lala beegsadey goob ku dhow halka kulanku ka socdey.

Rasaastaan oo kasoo dhacdey hubka qoryaha culus ayaa wax dhibaato ah gaysan balse wararka ayaa sheegaya iney soo rideen kooxda Al-shaabab oo weli ku dhumaleysaneysa deganadaas.

Dhinaca kale saraakiisha Daraawiishta Puntland ayaa Madaxweyne Gaas u gudbiyey cabashooyin ku saabsan xaalada nololeed ee ciidamada iyagoo tabasho xoogan ka muujiyey golaha Wasiirada.

Saraakiishaan ayaa sheegtey in golihii Wasiirada ee dowladii hore ee Madaxweyne Farole ka fiicnaayeen marka loo eego ka warqabka xaalada ciidamada kuwa hada shaqada u haya Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa saraakishaan u sheegey inuusan difaaceyn eedeynta loo soo jeediyey golihiisa Wasiirada isaga oo balan qaadey in xaalada ciidamada isabadli doonto.

Dhowaan ayey aheyd markii koox Wasiiro ah oo ku labisan dharka ciidamada ay booqasho ku tageen saldhiga ciidamada Puntland ee Galgala kuwaasoo aan horey uga tirsanaan jirin saraakiishii hore ee Somalia.

Kulankaan ayaa inta uu socdey sidoo kale askari ka tirsan ciidamada ku sugan Galgala waydiiyey Madaxweyne Gaas sababta uu eedynta joogtada ah ugu soo jeediyo marka uu safarada ku marayo wadanka dibadiisa ciidamada Daraawiishta isaga oo ku tilmaama iney yihiin kuwa musuq-masuq ragaadiyey.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey su'aashaaas ayaa ciidamada hortooda ka cadeeyey ineysan jirin naceyb uu u qabo ciidamada Daraawiishta Puntland.

Ciidamada Puntland oo ku sugan Galgala ayaa la filaya iney dhowaan qaadaan howlgalo ay damacsan yihiin iney ku sifeeyaan kooxda Al-shabaab oo ku dhumaaleysaneysa weli dhulka buuraleyda ah ee fog.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM