Madaxweynaha Puntland oo aan weli kulamo la qaadan madaxda Kenya

Image

July 21,2015 (GO)_ Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo magaalada Garowe ka duuley July 18,2015 ayaa ku sugan magaalada Nairobi iyadoo wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inuu degan yahay Hotelka la yiraahdo Penari.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo ka dhoofey magaalo madaxda Puntland Garowe iyadoo ay ku sugan yihiin madaxweynaha Jubaland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid uusan weli wax kulamo ah la qaadan madaxda dalka Kenya.

Xogaha laga helayo safarka madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya inuu damacsan yahay in kulamo la qaato madaxda dalka Kenya.

Madaxda dalka Kenya ayaa ku mashquulsan u diyaargarowga booqashada madaxweynaha Mareykanka ku imaanayo magaalada Nairobi maalinta Jimacaha ee fooda nagu soo haysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa wadanka Kenya ku sugnaan doona ilaa maalinta Jimacaha soo socota oo ku beegan 24 July, 2015.

Warsdaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira booqashada madaxweynaha Puntland ku joogo dalka Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM