Madaxweynaha Puntland oo Addis Ababa u duuley

Image
Image
Image
Image

April 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay xarunta dalka Ethiopia ee Adis-ababa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasirro iyo saraakil katirsan madaxtooyada, waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka, wasiirro, xildhibaanno, saraakil ciidan iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Ethiopia u aaday sidii uu uga qeyb geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaasoo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa .

'' Xoojinta ganacsiga iyo amniga labada dal ayaan sidoo kale kawada hadlaynaa madaxda dalka Ethiopia, guul iyo kheyr baana rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaan u rajaynayaa '' ayuu yiri Madaxweyne Gaas. 

Cali Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Ethiopia kulamo la qaadan doona qaar kamid ah madaxda dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM