Madaxweynaha Puntland oo amar kasoo saarey dilka iyo kufsiga Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynah Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa war kasoo saarey dilkii iyo Kufsigii lagula kacay Caasha Ilyaas Aadan, oo ahayd gabar 13 sano jir ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu amar ku siiyay hay'adaha amniga inay si deg deg ah uga howlgalaan baarista kiiska Gabadha.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tacsi u diray qoyska, eheladda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, oo la murugoonayay dilkii arxan darrada ahaa ee loogu geystay waqooyiga Gaalkacyo, Caasha Ilyaas habeenkii Axada ee lasoo dhaafay.

Dilka Gabadhan yar ayaa kiciyay carro dadweyne, iyadoo magaaladda Gaalkacyo lagu soo waramyo inuu ka socdo dibadbax maalintii labaad, kaaso oo looga soo horjeedo falka foosha xun ee lagula kacay AUN Caasha Ilyaan Aadan.

Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka iyo kufsiga ka dhacay Gaalkacyo, kaaso oo noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda ka dhacay magaaladdan oo ay kawada taliyaan Puntland iyo Galmudug.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFDEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM