Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo u ambabaxay Kismaayo

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka goor hore u ambabaxay magalaada Kismaayo, halkaas oo ay kaga qayb galayaan caleemo saar loo sameynayo Axmad Madoobe.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ka raacey magalaada Garowe ayaa ka kooban xubno ka tirsan xukuumadiisa, Xildhibaanada aqalka Wakiilada, ganacsato iyo siyaasiyiin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Dani ayaa waxaa safarka ku weheliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole islamarkaana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ka qayb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubaland oo khilaaf siyaasadeed ka dhex abuurtey dhinacyada siyaasada ee Soomaaliya ayaa Dowlada Federalka ku khasabtey iney xayiraada cirka ku soo rogaan Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland oo talaabadaan u arkayey mid wax lagu yeelayo nidaamka Federaalka dalku ku dhisan yahay ayaa ku gacan sayrey codsi kaga yimid Villa Soomaaliya kaas oo ay soo qaadeen wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Axmad Ciise Cawad.

Caleemo saarka Axmad Madoobe ayaa la filayaa iney ka soo ka qayb galaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xildhibaano Federaalka ah iyo siyaasiyiin kale. Xafladda ayaa la filayaa ay qabsoonto maalinta Sabtida.

Dolwadda Federaalka ayaa xanibaadii Kismaayo waxay qaadey Arbacadii kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid Sheekh Shariif iyo Xasan Shiikh; si lamid ah dalalka taakuleeya Soomaaliya ee beesha caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM