Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo u ambabaxay Kismaayo

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka goor hore u ambabaxay magalaada Kismaayo, halkaas oo ay kaga qayb galayaan caleemo saar loo sameynayo Axmad Madoobe.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ka raacey magalaada Garowe ayaa ka kooban xubno ka tirsan xukuumadiisa, Xildhibaanada aqalka Wakiilada, ganacsato iyo siyaasiyiin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Dani ayaa waxaa safarka ku weheliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole islamarkaana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ka qayb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubaland oo khilaaf siyaasadeed ka dhex abuurtey dhinacyada siyaasada ee Soomaaliya ayaa Dowlada Federalka ku khasabtey iney xayiraada cirka ku soo rogaan Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland oo talaabadaan u arkayey mid wax lagu yeelayo nidaamka Federaalka dalku ku dhisan yahay ayaa ku gacan sayrey codsi kaga yimid Villa Soomaaliya kaas oo ay soo qaadeen wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Axmad Ciise Cawad.

Caleemo saarka Axmad Madoobe ayaa la filayaa iney ka soo ka qayb galaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xildhibaano Federaalka ah iyo siyaasiyiin kale. Xafladda ayaa la filayaa ay qabsoonto maalinta Sabtida.

Dolwadda Federaalka ayaa xanibaadii Kismaayo waxay qaadey Arbacadii kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid Sheekh Shariif iyo Xasan Shiikh; si lamid ah dalalka taakuleeya Soomaaliya ee beesha caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM