​Madaxweynaha Puntland oo arrimo xasaasi ah ka hadlay [Dhagayso]

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali oo ka hadlayay xaflad lagu soo dhaweynayay wufuud shalay 01 May, soo gaartay magalada Bosaso, ayaa faah faahiyay arrimo kala duwan oo ku aadan mashaariico ka socda deegaanada Puntland iyo kuwo soo socda.

Wuxuu sheegay in hishiis wanaagsan lasoo saxiixdeen dowladda Ethiopia kaasi oo ku aadan is-dhaafsiga ganacsiga  kala faa'iidaysiga khibraha ku aadan kalluumaysiga isagoo intaasi raaciyay in ilaa 8 mashruuc soo wadaan iyagoo kaashanaya IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Gaas, ayaa sidoo kale xusay hormarka ka socda Puntland inuusan samayn karin macno weyn, inta dhibaatada Somalia ku hayaan kooxaha Al Shabaab iyo burcad badeeddu, wuxuuna intaasi raaciyay in loo istaago sidii looga qayb qaadan lahaa xasiloonida dalka.

Amniga ayuu si adag uga hadlay isagoo tilmaamay in ciddii Puntland kawada qalalaaso loola dagaallami dooni sida mallayshiyaadka Shabaab, wuxuuna shacabka ku ammaanay doorkii ay ka qaateen kooxihii dagaalka ka galay gobollada Mudug iyo Nugal ee ka tirsan kooxda Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrin waxyaabahaasi oo dhan ka baxsan isagoo sheegay inuu khaati ka taaganyahay dad uu sheegay inay huwanyihiin fikrado qabiil, wuxuuna sheegay inaan loo dooran waxyaabaha dadka qaybtiis daneeyaan.

”Maalin walba irada qof kasto iga soo galaa ahi aragti qabiil buu huwan yahay, wuxuu igala hadlaa waa qabiil, marka haddii 24-saac u fadhiyo inaan kar kariyo qabiil oo ka shaqeeyo qabyaalad iyo reer hebel maxay helayaan ,waxaad ii doorateen ma ahan baan u malaynayaa iyo waxa meesha aan u joogna, marka waxaan u baahan nahay inaan aragtideena is-badasho,” Ayuu yiri madaxweyne Gaas

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli lawada ogyahay in madaxda Puntland soo doortaan 66 mudane soo xuleen odoyaal dhaqameed iyagoo lagu saleeyay qabaa'iil, waxaana xusid mudan in hogaamiye walba xilliga uu murashaxa yahay loollankiisa kasoo billaabo qabiilka uu kasoo jeedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM