Madaxweynaha Puntland oo berri ka amabaxaya magaalada Garowe

Image

GAROWE May 1, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka ambaxayo magaalada Garowe maalinta berri ah isaga oo ku sii jeeda wadanka Talyaaniga.

Gaas ayaa sii maraya wadanka Kenya magaalada Nairobi isaga isagoo halkaas uga sii ambabixi doona wadanka Talyaaniga oo uu uga qayb galayo shir islamarkaana kula kulmi doono madaxda dalkaas.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii uu kasoo noqdey wadanka Ethiopia halkaasoo booqasho qaadatey muddo Toban cisho ah uu ugu maqnaa.

Wadanka Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

Dhinaca kale waxaa maalinta berri  ah ka dhoofaya magaalada Garowe Madaxweynaha Somalia iyo madaxda kale ee maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM