Madaxweynaha Puntland oo berri ka amabaxaya magaalada Garowe

Image

GAROWE May 1, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka ambaxayo magaalada Garowe maalinta berri ah isaga oo ku sii jeeda wadanka Talyaaniga.

Gaas ayaa sii maraya wadanka Kenya magaalada Nairobi isaga isagoo halkaas uga sii ambabixi doona wadanka Talyaaniga oo uu uga qayb galayo shir islamarkaana kula kulmi doono madaxda dalkaas.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii uu kasoo noqdey wadanka Ethiopia halkaasoo booqasho qaadatey muddo Toban cisho ah uu ugu maqnaa.

Wadanka Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

Dhinaca kale waxaa maalinta berri  ah ka dhoofaya magaalada Garowe Madaxweynaha Somalia iyo madaxda kale ee maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM