Madaxweyne Gaas oo bilaabey ololalaha afhayeenka Barlamanka

Image

7 November, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe maalinimadii khamiista 5 Nov, 2015 ayaa bilaabey kulamo gooni gooni uu la qaadanyo xildhibanada Barlamanka.

Aqalka madaxtooyada Garowe ayaa caawa waxaa madaxweyne Gaas ugu yeerey xildhibanada kaga jira Barlamanka Puntland gobolka Barri isaga kulan la qaatey.

Kulankaan ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in madaxweyne Gaas uga waramey xildhibanaadaan xaalada Puntland iyo safaro uu ku tagey wadanka dibadiisa isaga oo u sheegey in mashaariic farabadan u hayo gobolka Barri balse ka codsanayo iney doortaan gudoomiye Barlamanka ee la jaan qaada xukuumadiisa.

Gabagabadii kulankaan ayaa madaxweyne Gaas xildhibanada ka codsadey in labo xildhibana ku reebaan kuwasoo la sheegey iney la galeen kulan kale oo albabaada u xiran yahay.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne Gaas uu bilaabey caawa 6 Nov,2015 ololaha uu ugu jiro in xildhibanada Barlamanka Puntland doortaan gudoomiye la jaanqaadi kara siyaasada uu dalka ku hogaaminayo.

Weli ma cadda shaqsiga uu la raadinayo madaxweyne Gaas in xilkaan uu qabto iyadoo ay isu soo sharaxeen afhayeenka aqalka wakiilada inta badan xubnaha Barlamanka kaga jira Gobolka Sanaag iyo Hayland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM