Madaxweynaha Puntland oo booqdey xarumaha UNICEF iyo UNSOM

Image
Image
Image
Image

April 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xafiisyada Hay'adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe.

Ugu horeyn wuxuu xafiiska hay'adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howl wadeenada hay'adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan UNICEF.

Gaas ayaa  sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobey , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay ku hayso weererkii dhacay todobaad kahor.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtey dhowr qof oo lala xiriirinayo weerarkii todoabda qof ku dhimatey oo Al-shabaab la beegsatey gaari bas ah oo ay saarnaayeen qaar kamid ah hawl wadeenada UNICEF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM