Madaxweynaha Puntland oo booqdey xarunta Dhimirka ee Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Jimce, September 05,2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Xarunta Nasrullah ee daryeelka dadka dhimirka ka jirran ee magaalada Garoowe.

Madaxweynuhu wuxuu goobta kula kulmay maamulka xarunta iyo qaar kamid ah bukaannada. Xaawo Axmed (Qaylo-weyne) oo ah Agaasimaha Nasrullah ayaa Madaxweynaha siisay warbixin kooban.

Waxay sheegtay in xarunta ay ku jiraan xilligan 93 qof oo ay 22 kamid ahi dumar yihiin, 450 qof oo kalena ay ka baxeen kaddib markii ay caafimaadeen.

Baahiyo badan ayey sheegtay in xaruntu ay qabto sida: daawada iyo cuntada oo yar; dhar iyo gogol la'aan; mushaharaadka shaqaalaha iyo kharashaadkii kale ee shaqada lagu socodsiin lahaa oo iyagana muddo bilo ah aan la helin.

Xaawo waxay si gaar ah ugu mahadcelisay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, iyadoo xustay inuu dadaal badan u galay sidii xaruntan loo horumarin lahaa.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii iska lahaa fikirkii lagu asaasay xaruntan iyo kuwa waqtigooda u huray sidii ay dadka walaalahooda ah ee xanuunsan ay u daryeeli lahaayeen.

Dhanka kale, wuxuu ballan qaaday in Dowladdu wixii karaankeeda ah ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo taageeri lahaa Xarunta Nasrullah oo bixisa adeegyo caafimaad oo aad muhiim u ah.

Ugu dambeyntii, wuxuu baaq u diray ganacsatada iyo dadka ladan ee Puntland, isagoo ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii loosii dardar gelin lahaa shaqooyinka ay goobtaasi qabato.

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo sokeeye ka dhaceen, kana mid ah wadamada ugu saboolsan dunida, wuxuu safka hore kaga jiraa wadamada ugu badan dunida ee ay ku nool yihiin dadka qaba xanuunnada maskaxda. 

Garowe Online, Xafiiska Garowe 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM