Madaxweynaha Puntland oo booqdey xerada ciidamada 54aad

Image
Image
Image

Talaado, Nov 18,2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Booqasho ku tagay xerada ciidamada 54-aad ee ku taala duleedka magaalada Garoowe.

Madaxwayne Gaas ayaa waxaa goobtaasi ku soo dhaweeyay  saraakiisha Daraawiishta Puntland, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan kooxda Baanbayda,

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warbixino ku saabsan xaalada ciidanka ka dhagaystay saraakiisha ciidamada iyagoo u soo gudbiyey sida ay tahay xaaladahooda.

Ciidamada dowlada Puntland qaybihiisa kala gadisan ayaa bilihii ugu dambeeyey ka cabanayey mushahar la'aan iyadoo booqashadaan ku soo beegmeyso waqti xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ciidamada ku booriyay inay sii wadaan hawlaha ay u hayaan shacabka Puntland.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagey 54aad ayaa noqoneysa midii ugu horeysay uu ku tago xeradaan tan iyo intii loo doortey xafiiskaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM