​Madaxweynaha Puntland oo Burtinle shacab kula hadlay

Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa saaka u amba baxay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu tagayo arrimo shaqo.

Madaxweynaha, ayaa waxaa safarka ku wehelinaya xubno katirsan labada gole ee dowladda, waxaan goordhaweyd lagu soo dhaweeyay magaalada Burtinle oo katirsan gobolka Nugal isagoo halkaas kula hadlay shacabka degmada.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa ka mahadceliayay soo dhaweynta loo sameeyay isagoo dadweynaha Burtinle ku baraarujiyay inay kor u qaadaan hormarinta amniga iyo ka shaqaynta nabadgalyada, isagoo sheegay inay samaynayaan qorshe lagu ilaalinayo deegaanka.

Madaxweyne Gaas, ayaa xusay inay dhisayaan ciidamo ilaaliya bay'ada islamarkaana fariisin ka samaysan doonaan magaalada Burtinle iyo tuulada Jalam oo katirsan gobolka Nugal.

Wuxuu usoo jeediyay maamulka iyo shacabka degmadaasi inay u istaagaan sidii looga faa'iidaysan lahaa mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Madaxweynaha ayaa khudbad kadib sii watay socdaalkiisa iyadoo lagu wado in galinka dambe ee maanta uu gaaro magaalada Galkacyo, halkaas oo muddooyinkii dambe xaaladeeda amni aysan wanaagsanayn, waxaan safarkan uu salka ku hayaa sidii isbadal madaxweyne Gaas ugu samayn lahaa maamulka magaalada isagoo kala diray golahii deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM