Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarumo dowladeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

30 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay labo xarumood oo ay yeelan doonaan wasaaradaha Maaliyadda iyo Haweenka.

Dhismayaashan ayaa laga dhisi doonaa duleedka Waqooyi ee caasumadda Puntland halkaas oo horay ugu yaalleen xarumo dowladdu leedahay oo ka mid tahay xarunta Madaxtooyada Puntland, waxaana dhulkaas horay dowladda ugu sharciyaysay xukuumaddii Farole oo shacabka Garowe ku ammartay inaysan dhisan karin.

Munaasabado lagu dhagax dhigayay xarumahan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno katirsan golayaasha dowladda, waxaana wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shekh Axmed oo dhagax dhigga ka hadlay sheegay inay ku dhisayaan qorshaha Puntland ha isku tashato, wuxuuna tilmaamay inay khasnadda dowladda uga qondeeyeen lacag yar una kaydinayeen muddo lix bilood ah.Halkan ka dhagayso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay wasiirka  Maaliyadda Dawladda Puntland  dadaalka uu wado, wuxuuna ku booriyay inuu sii wado qorshayaasha wanaagsan ee wasaaraddu waddo.Halkan ka dhagayso

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda Haweenka Puntland oo iyana laga asaasi doono dhanka Waqooyi ee degmada Garowe, waxaana wasiirka wasaaradda Anisa Cabdulqaadir Muumin sheegtay inay noqon doonto xarun diiradda saarta laba qorshe oo midkood lagu xanaanayn doono Carrurta, halka tan kale lagu tababari doono Haweenka Puntland.Halkan ka dhagayso

Madaxweynaha Puntland oo xarunta haweenka dhagax dhigay ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay qorshaha wasaaradda Haweenka, wuxuuna sheegay wasaaraddu inay tahay muhiim haysa qorshayaal badan.Halkan ka dhagayso

Labadan wasaarradood ayaa ku soo biiraya wasaarradaha Caafimaadka, Cadaaladda iyo deegaanka oo horay uga dhisnaa dhinaca Waqooyi ee caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM