Madaxweynaha PL oo dhagax dhigaya Hotel laga dhisayo Garowe

Image

GAROWE April 11, 2015 ( GO)- Madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa saaka dhigax dhigi doono dhisme Hotel weyn oo laga dhisi doono magaalada Garowe.

Dhismahaan Hotelka oo ay hirgalin doonaan ganacsato reer Puntland ayaa ku yaal meel aan ka fogeyn dhismaha madaxtooyada Garowe.

Hotelkaan oo la sheegey inuu noqon doona nooca loo yaqaan "Five Star" ayaa dhulkiisa waxaa horey u bixiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole.

Munaasabadaan ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in goobta ku sugan yihiin ganacsato farabadan iyadoo madaxda dowlada Puntland iyo Federaalka kuwaasoo la filayo iney dhagax dhigaan dhiismahaan laga hirgalin doono magaalo madaxda Garowe.

Faahfaahin wararkaan kala socod Garowe Online anagoo codad iyo sawiro idiin soo gudbin doona.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM