Madaxweynaha dowlada Puntland oo furey mashruuc dhireyn ah

Image
Image

November, 15, 2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daaha ka qaadey mashruuc loogu magac-darey cagaarinta Magaalooyinka Puntland waxa uu ku talalaalay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Abuurista geedkan ayaa qayb waxa uu ka yahay Mashruuc lagu cagaarinayo 7 degmo oo ka tirsan deegaanada Puntland iyadoo hawshan iska kaashanayaan Wasaarada Deegaanka Puntland  iyo Hay'ada ADESO.

Wasiirka Deegaanka dowladda Puntland  Guuleed Saalax Barre ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii magaalooyinka Puntland bilicdoda kor loogu qaadi lahaa isla markaana bulshada reer Puntland laga doonayo kaalintooda inay ka qaataan.

Wasaarada degaanka iyo durjoogta Puntland ayaa waxaa dhidibada u aasey dowladii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Farole iyadoo kadib beesha caalamka ugu deeqdey mashaariic lagu ilaalinayo degaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM