​Madaxweynaha Puntland oo gaaray Abu Dhabi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta ka dhoofay magalada Bosaso, ayaa galabta gaaray magalada Abu Dhabi waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Safarka madaxweyne Gaas, ayaa qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay inuu salka ku hayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo kawada hadalka arrimaha, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hormarinta kaabayaasha arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinaya, wasiirka Dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad badeeda, taliyaha ciidamada PIA-da iyo saraakiil katirsan madaxtooyada.

Gaas ayaa nasasho kooban kadib loo gudbiyay gudaha magalada Abu Dhabi iyo halka uu kadagayo ee hotel "THE RITZ-CARLTON", waxaana la sheegay inuu goobtaasi ku sugnaan doono tan iyo inta uu kasoo idlaanayo safarkiisa Imaaraadka.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda sare, waxaana socdaalkan lagu sifeeyay matiqaad uu ka helay waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Gaas, ayaa muddooyinkii dambe socdaallo isdabo joog ah ku tagayay dalkaasi, dhawaan ayayna ahayd markii uu ka yimi isagoo hishiisyo la soo galay madax sare oo waddankaasi katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM