Madaxweynaha Puntland oo Galkacyo dib ugu noqdey

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka aroortii ka amabaxey magaalada Garowe isaga oo ku wajahnaa magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.  

Gaas ayaa 25 October,2015 u yimid Garowe furitaanka Kalfadhiga 36-aad ee golaha Wakiiladda Puntland, kadib markii cadaadis lagu saaray inuu furo kulankaas.

Madaxweynahe Gaas ayaa ku sii hakadey degmada Burtinle gobolka Nugal, halkaas oo la qorshaynayo inuu kula kulmo guddiyada nabadaynta beelaha dhawaan ku dagaalaymay qaybo ka mid ah Puntland.

Muddo ka badan labo bilood ayaa madaxweynuhu ku sugnaa Galkacyo halkaas sheegey inuu ka wado hawlo bur-burin dhismayaal iyo mashaariic kale ee lagu hormarinayo gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa hortagay maalintii shaley golaha Barlamanka Puntland, isago la weydiiyay su'aalo la xiriira xaaladda Puntland.

Gudoonka golaha ayaa hesiis hoose madaxweynaha Puntland kula galey in xildhibanaada intooda badan ka aamusaan su'aalaha lagula xisaabtamayo xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM