Madaxweynaha Puntland oo Galkacyo ku soo laabtay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

10 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Mas'uuliyiin kala duwan iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Galkacyo, waxaana uu saxaafada uga warbixiyay safarkiisa Kenya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisa Nairobi ku soo dhammaaday guul, isagoo u mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay.

Nabadaynta ay wadaan waxgarad ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayuu ku amaanay kaalinta ka gaysanayaan sidii loo dhammayn lahaa dirirtii ka dhacay deeegaanada Qorilay, Cagaarane iyo Magaclay oo ka tirsan gobollada Nugal iyo Sool.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay colaadii ka taagneyd dhanka howdka in hadda meel fiican marayso , odayaashii howshaa galayna waan bogaadinayaa , mar kalana waxaan ku baaqayaa in Nabadda la adkeeyo " Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gaas ayaa asbuucii hore tagay dalka Kenya, waxaana intii uu joogay la kulmay safiiro ka tirsan kuwa midowga Yurub, madax ka tirsan beesha caalamka, iyo bulshada reer Puntland ee dalka Kenya, isagoo sheegay inuu kala hadlay arrimo la xiriira hormarinta mashaariicda Puntland iyo xoojinta amniga.

"Sidoo kale waxaan la kulanay jaaliyadda Puntland, iyana wadanka ayaan uga waranay isbadalka wanaagsan ee ka socda , waxaana rajeyn in isbadalkaasi ka muuqdo hay’addo badan oo ay khusayso " Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa dhawr jeer oo hore tagay Kenya, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli waxgarad ka tirsan Puntland iyo Jubbaland wadaan sidii nabad loo dhex-dhigi lahaa beelaha dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid ah Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM