Madaxweynaha Puntland oo Garowe yimi [Dhagayso]

Image

05 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, ka dib socdaal uu kaga yimi magalada Dubai xarunta Isutagga Imaaraadka carabta.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiiro, xubno ka socda Barlamanka, mas'uuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay wafdiga madaxweynaha garoonka diyaaradaha magalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada, ayaa sheegay in Isutagga Imaaradka carabta kala soo hadleen arrimo la xiriira amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Gaas ayaa tilmaamay in safarkiisa guul ku soo dhammaaday,wuxuuna bulshada reer Puntland u rajeeyay guul iyo hormar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM