Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u direy Axmad Madoobe

Image

15 August, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland ayaa galabta hanbalyo u diray madaxwaynaha Jubbaland oo maanta lagu doortey doorasho ka dhacday magaalada kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyada u diray Axmed Maxmed "Madoobe" isagoo madaxwaynuhu uu sheegay inuu shacabka dowlada Puntland uga waddo hanbalyo waxaana uu xusay inuu ku faraxsanyahay doorashadaasi uu kusoo baxay Axmed Maxmed Islaam.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa cod aqlabiyad ah siiyey 68 xildhibnaan oo ka tirsan Barlamanka Jubaland.

Dowlada Federaalka ayaa waxaan welii kasoo bixin qoraal rasmi ah oo ay kaga hadleyso doorashada ka dhacdey maanta magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM