Madaxweynaha Puntland oo hambalyeeyay sannadka cusub [Dhagayso]

Image

31 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa ka hadlay waxyaabaha sannadka 2015 u qabsoomay xukuumadda Puntland isagoo sheegay inay gaareen guulo la taabankaro.

“Sannadkii lasoo dhaafay dadka reer Puntland Wuxuu  u aha sannad guul ah, hourmar baaxad weyn ayay na gaareen, wayna isku tashadeen, sannadka soosocda waxaana rajeynaynaa guulo is daba joog ah kuwaas oo la xiriir dhanka mashaariicda, ladagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta dawladnima wanaaga,”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal u dagan xukuumaddiisa sannadka 2016, wuxuuna tilmaamay inay sannadka maanta ku eg ka baranayaan khibrad iyo waaya aragnimo.

Marxaladda kala guurka Somalia ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay in shacbiga Somaliyeed ka daaleen habka wax ku qaybsiga beelaha, dantuna ku jirto qaab aan ahayn 4.5.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa shacabka Somaliyeed gaar ahaan u reer Puntland u diray hambalyo ku aadan sannadka cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM