Madaxweynaha Puntland oo Imaaraadka u dhoofay

Image
Image
Image
Image

01 November, 2015(GO)-Waxaa galinkii dambe maanta ka dhoofay magalada Galkacyo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyagoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai.

Safarka Gaas, waxaa ku wehelinaya, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, wuxuuna salka ku hayaa casumaad uu ka helay mas'uuliyiinta Imaaraadka.

Muddo kooban ayaa la qorshaynayaa inuu safarkiisa qaato isla markaana uu kulamo la yeesho madaxda dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadlaya sida uu sheegay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa tacsi ka tiray weerarkii maanta lagu qaaday Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu, waxaana dhimashadu maraysaa ilaa 15 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM