Madaxweynaha Puntland oo ka baaqdey Muqdishu

Image

BOSASO: Waftiga madaxweynaha Puntland oo la filayey iney ka ambabaxaan magaalada Bosaso maanta ayaa baaqdey sababo aan la shaacin.

Warsidaha Garowe online oo isku dayey inuu wax ka ogaado sababta baajisay safarka madaxweynaha Puntland ayaa fahansan in uu la xiriiro dib u dhac ka yimid dhinaca diyaargarowga dowlada Federaalka iyo maamulka Kismayo ka qayb galkiisa kulanka aan la aqoon.

Maamulka Jubaland ayaa raadinaya in kulankaan lagu qabto madaama aan heshiis laga gaarin shirkii hore ee wadatshiga balse warar aan ka heley ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in beesha caalamka oo damacsaneyd iney dhexdhexaadiso madaxda Somalida ku adkaatey iney muddo badan joogaan Kismayo. 

Dhinaca kale waxaa jira safaro qaar ka tirsan madaxda Somalida ugu maqan yihiin wadanka dibadiisa.

Madaweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa kulankii lagu qabtey Kismayo wax'ay kala kulmeen dib u dhac balaaran oo ka yimid  madaxda Somalida gaar ahaan madaxweyne Xasan Shiikh oo shirkaas soo gaarey shan cisho kadib markii la qorsheynayey in la furo wadahadalkaas.

Kulanka Muqdishu ayaa la filayaa in lagaga xaajoodo qaabka loo soo dooran karo Barlamanka federaalka Somalia oo badali lahaa kan hadda jira sanadkaan dabayaaqadiisa.

Kulamada Somalia oo daba dheeraadey ayaa ku soo beegmaya xilli kooxda al-shabaab xoojisay weerarada ay kusoo qaadeyso xarumaha ciidamaada Amisom iyo goobaha shacabka ku caweeyo ee ku yaala magaalada  Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM