Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay colaada Qorilay gobolka Sool [Dhagayso]

Image

24 September, 2015(GO)-Warsaxaafadeeda ka soo baxay madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magalada Muqdishu ayaa looga hadlay colaada ka taagaan qaybo ka mid ah gobolka Sool ee sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

"Waxaan u sheegayaa inaan dagaalku xal aheyn , mana jiro qof colaada ku guulaysanaya , waana kuu dhimay kaa dhimay , walaalkaa weeye waxa aad dilayso , kii kuu hiilin lahaa weeye kan aad maanta xabadda u haysato ‘’Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa sidoo kale waxgaradka, cilimo udiinka  iyo qaybaha bulshada ugu baaqay inay u istaagaan sidii loo damin laha colaada u dhaxaysa labada beelood.

"Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka , madax dhaqameedka , isimada, ganacsatada , waxgaradka reer Puntland inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen daminta colaadaasi" Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo ku aadan ciidul Adxa u diray dhammaan umadda Somaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo maalintan fadligeeda ku codsaday inay is cafiyaan dadka Somaliyeed.

‘’Waxaan rajeynayaa in Somalia wanaagsanaato, in Somalia horumarto, in Puntland meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.
 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM